Advertisements
Wararka

Xaflado heeso hip-hop ah oo lagu qabtay magaalada barakeysan ee Makkah al Mukaramah…


Xaflado heeso ah oo ay qabatay dowlada hoose ee Makkah ee Boqortooyada Sacuudiga oo ku beeganeyd xuska Eid al-fitr-ka ayaa ka dhex kiciyey muran iyo dhaleeceyn baraha bulshada kadib markii qaban qaabayasha ay soo bandhigeen niikiska “hip-hop”ka, taasoo qaar ka mid ah ku tilmaameen in ayna dhaxal dhaqameed u laheyn magaalada barakeysan ee Makkah”xurmada caasimada muqadaska ah” ay leedahay.

Waxaa baraha bulshada lagu faafiyey video u muuqday niikis mid ka mid ah xafladihii halkaasi lagu soo bandhigay, taasoo ay ku faafisay dowlada hoose ee caasimada barakeysan sawiro barteeda bulshada ee Twitteka ayada oo sheegtay “waxaan ku soo bandhignay cutubyo faneed oo kala gedisan ee xaflada ciida”.

Wargeyska Sabaq oo ka soo baxa Sacuudiga oo ka soo xigtay, afhayeenka xoghaynta magaalada barakeysan ayaa sheegay in wixii ay soo gudbiyeen ee kooxaha uu ahaa howlo hal abuur ahaa oo ku qotomay nalal iyo laser oo lagu laray muusiga ciida, iyadoo dadka ku labisnaayeen dhar xushmad wata oo asturan, halkaasi kama dhicin wax isdaba marin ah oo anshax xumo ah.

Isagoo ka jawaabayey dhaleeceeynta, afhayeenka ayaa sheegay in, sida Sabaq laga soo xigtay: “Marka la eego cutubka khuseeya farshaxanka casriga ah iyo ku qanac la’aanta qaar ka mid ah dadka, waxaan rumeysanahay in uu yahay ra’yi shaqsiyadeed, wey adag tahay inaad raalli gareysid dhammaan dooqyada dadka oo dhan, waxaa la hubaa jaceylka iyo qiimaha fanka, midabada, waxyaabaha dhaqanka ee la dhaxlay waa arrimo shaqsiyadeed oo lagu kala gedisan yahay sida ay wax uga sheegaan dadka oo dhan, tusaale dadka qaar waxay ka helaan dhaqankii hore qaar kalena waxay qiimeeyaan kan casriga ah noocyadiisa kala duwan, laakin xoghaynta Caasimada Barakeysan waxay arrimaahaasi kataagan tahay dhex dhexaad, waxayna soo bandhigeysaa nooc walba ee dooqyada kala duwan ee dadka”.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7382 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: