Advertisements
Wararka

Xisbiga “Social Democrats” oo ku guuleystay doorashadii guud ee dalka Denmark…


Rai’sul wasaaraha Denmark oo ka soo jeeday xisbiga Liberalka, Lars Lokke Rasmussen, ayaa qiray guuldarada xisbigiisa ka soo gaartay doorashadii guud, taasi oo jidka u xaareysa hogaamiyaha xisbiga dimoqraadiyiinta hantiwadaaga “Social Democrats”, Mette Frederiksen in ay hanato xukunka.

Kutlada ay hogaamiso xisbiga dimoqoraadiyiinta hantiwadaaga “Social Democrats” oo ka soo jeeda bidix dhex ayaa ku guuleystay 91 kursi tirada kuraasta Baarlamaanka oo ah  179 kursi.

Rasmussen.jpg

Fredericksen oo 41 jir ah ayaa noqon doonta Ra’iisul wasaaraha ugu da’da yar taariikhda dalka Denmark.

Ololaha Doorashooyinka guud ayaa qabsaday mowaadiic aad u kululaa oo ku saabsanaa isbedelka cimilada, socdaalka, iyo yareynta qoondooyinka deeqaha bulshada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6739 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: