Advertisements
Wararka

Xog ku saabsan barnaamijka gantaalada ballastic ee Sacuudiga oo la soo bandhigay…


Ilo wareedyo CNN ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Maraykanku ay heleen xog ku saabsan barnaamijka gantaalada ballastic oo ay diyaarineyso boqortooyada Saudi Arabia oo horumarintiisu la kaashanayso Shiinaha, waa xaalad halis ku ah dadaalada Washington ee looga hortagayey ku faafida gantaalaha ee Bariga Dhexe muddo dheer, sida laga helay saddex ilo wareed oo u dhuun daloola arrintani.

Ilo-wareedyo ayaa ku muujinaya macluumaadka CNN ee ku saabsan barnaamijka gantaalaha ee Sacuudi Carabiya iyadoo gacan ka helaysa Shiinaha ayaa sawirada satellite-ka lagu qaaday muujinaya goob loo maleeyey in lagu diyaariyo gantaalaha Sacuudiga oo la qaaday bishii November 2018 oo laga helay Machadka Middlebury.

Waxaa goobtaasi lagu arkay dhaqdhaqaaq bisha markay aheyd 14 May 2019 sida sawirka lagu qaaday Satellite-ka uu sheegayo oo ay heshay shabakada CNN 2019, sida uu sheegay Madaxa Machadka Middlebury Jeffrey Lewis oo madax ka ah ka hortaga faafida hubka gantaalaha ballastic ah ee Bariga Asia in sawirka laga qaaday goobta uu yahay kii ay horey u soo bandhigtay wargeyska Washington Post ee Mareykanka bishii January, waxaa la tilmaamay in la dhameeyey dhismaha warshada gantaalaha ballastic ee Sacuudiga.

Falanqeeyayaasha arkay sawirkan ayaa tilmaamay in ay u muuqato tiknolojiyada mid ay isticmaalaan Shiinaha.

Sirdoonka Maraykanka oo si gaar ah u tilmaamay in Saudi Arabia ay ballaarin ku sameysay kaabayaasheeda dhinaca gantaalaha marka lagu daro tiknolojiyada oo ay dhowaan ka soo iibsatay Shiinaha, iyadoo aan la cadeyn ujeedooyinka barnaamijkan ee ka muuqda wararka sirdoonka, laakin ilo ayaa ku sifeeyey in tani ay tahay tallaabo loo qaaday dadaal suurto gal ah in Sacuudiga uu u janjeersaday dhinaca gantaalo qaada madax Nukliyeerka dagaalka sidii ay ku heli lahaayeen.

Wakaalada CIA iyo xafiiska madaxa amniga qaranka Mareykanka ayaa diiday in ay ka hadlaan wararka barnaamijkan gantaalaha ballastic ee la xiriira Sacuudiga iyo haddii boqortooyada qandaraas la gashay dowlado ajnabi ah si ay u gaarto dadaalkeeda. Sidoo kale afhayeen u hadlay safaarada Sacuudiga ee Mareykanka ayaan ka jawaabin codsiga CNN ee arrintan ku saabsan.

Hadal qoraal ah oo ka soo baxay, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa lagu sheegay, in Shiinaha iyo Saudi Arabia, ” shuraako istratiji ay yihiin” labada dal ayaa iska kaashanaya dhan walba sida heshiisyada hubka, iskaashigan kuma uu xadgudbayo xeerarka caalamiga ah ama ka hortaga faafida hubka wax gumaada”.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6739 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: