Advertisements
Wararka

Xubno ka tirsan Senate-ka Mareykanka oo ku celiyey in ay hor istaagi doonaan hubka laga…


Xubno ka tirsan golaha Senate-ka Mareykanka ayaa ku celiyay in ay hor istaagi doonaan in Mareykanka uu hub ka iibiyo dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Xubnahaan oo kulan yeeshay Arbacadii ayaa sheegay in ay qorsheynayaan sidii ay ugu codeeyn lahaayeen xanibaada hubka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in hub balaayiin lacag ah ku baxeyso oo laga iibinayo Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Xoghayaha arimaha dibeda Mike Pompeo ayaa sheegay in lagu wargaliyay 24-tii May goloyaasha arintaan, balse Trump uu adeegsan doono xaalad deg deg ah si loo dhaqan galiyo heshiiskaan hubka oo ay ku bixi doonto $8.1 bilyan oo Doolar.

Pompeo ayaa intaa raaciyay in arintaan ay xadgudub ku tahay dalalka carbeed ayna wiiqi doonto dhibaato amni oo Iiraan ka geysato Bariga Dhexe.

Todd Young oo ka tirsan golaha isku dhafka Senate-ka oo warsaxafadeedka aqriyay ayaa sheegay in ay xaqiijin doonaan sidii loo ogaan lahaa halka loo wado Hubkaan.

Hey’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa walaac ka muujiyay hubkaan oo ay sheegeen in loo adeegsanayo duqeymaha isbaheysiga Sacuudiga ka wado Yemen.

Young ayaa intaa ku daray in aysan cadeyn noqon karin sheegashada maamulka Trump ee ku aadan in hubkaan looga hortagayo amni darada Iiraan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6739 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: