Advertisements
Wararka

Afar nin oo uu ku jira Bursaliid oo ka soo muuqday maxkamada Milimani ee Nairobi…


Dowlada Kenya ayaa ku eedeysay afar nin uu ka mid yahay aqoonyahan caan ka ah  soomaalida ee shalay lagu xiray Nairobi in ay ku tuhuntay Falal Argagixiso.

Maxamuud Maxamed Bashiir, Cali Cabdi Maxamed iyo Xuseen Xasan Maxamuud ayaa arbacadii lagu qabtay agagaarka xaafada Muguga ee Ismaamulka Kiambu ee gobolka bartamaha Kenya.

Ciidanka la dagaalanka Argagixisada Kenya ee loo yaqaan ATPU-da ayaa dhanka kale gurigiisa oo ku yaal xaafada South C kala soo baxay Mr Ibraahim Qaasim Faarax oo loo yaqaan Bursaliid

Afartaan nin ayaa ka soo muuqday maxkamada Milimani ee magaalada Nairobi, iyadoo garsoore Peter Okoo uu amray in xabsiga lagu sii hayo mudo afar Cisho ah.

Ciidanka Argagixiso la dirirka Kenya, ayaa loogu baaqay in ay soo dhameystiraan baaritaanada lagu hayo afartaan Nin.

Bursaliid iyo sadexda nin oo kale oo heesta dhalashada Kenya ayaa lagu eedeeyay in ay ku howlanaayeen waxyaabo aan la shaacin oo ka dhan ah sharciga Kenya.

Mr Bursaliid ayaa laga helay gurigiisa Baasaboor jabuutiyaan ah warqadaha gudiga doorashada, afar taleefan, Card-ka aqoonsiga qaxootiga ee loo yaqaan Alien-ka iyo Copy-ga laba Kibaandho oo Sharciga Kenya.

Si kastaba ha ahaatee dacwada ayaa dib loo dhageysan doonaa 12-ka bishaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7382 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: