Advertisements
Wararka

Odayaal iyo waxgarad rajo xumo ka muujiyey dadaalo lagu sii deynayo dhakhaatiirta Cuba…


Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Ismaamulka Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ayaa rajo xumo ka muujiyay dadaalo lagu sii deynayo dhakhaatiirta Cuba.

Waxgaradkaan ayaa markii hore loo soo diray in ay u kala dab qaadaan Al-Shabaab iyo dowlada Kenya.

Labada dhakhtar ayaa ka mid ahaa 100 dhakhtar oo Kenya kula soo heshiisay Cuba in ay uga shaqeeyaan isbitaalada waaweyn ee ku yaala 47 Ismaamul.

Kooxda Afduubatay howlwadeena-daan caafimaad ayaa waxay dalbadeen lacag madax furasho Ah.

Wasiirada Arimaha dibeda Kenya Monica Juma oo bishii la soo dhaafay la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in ciidanka KDF-ta ay ka shaqeynayaan sidii loo badbaadin lahaa labada dhakhtar.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7359 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: