Advertisements
Wararka

R/wasaaraha Itoobiya oo maanta lagu wado inuu tago dalka Sudan booqasho hal maalin ah…


Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa lagu waddaa Jimcaha maanta inuu booqasho hal maalin ah ku tago dalka Sudan, iyadoo ujeeddada booqashada lagu sheegay inay la xiriirto sidii uu u dhexdhexaadin lahaa dhinacyada Sudan, sida waxaa laga soo xigtay safaaradda Itoobiya ee Khartoum.

Ilo-wareedyada ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in Abiy uu la kulmi doono Golaha Militariga Sudan iyo isbahaysiga xooggaga xoriyadda iyo is-beddelka, inta lagu guda jiro booqashadiisa halka maalin ah.

Booqashada Abiy ee dalka Sudan ayaa ku soo aadeysa xilli golaha ammaanka iyo nabad-galyada Midowga Afrika ay Sudan ka hakiyey xubinnimadii iyo dhammaan dhaq-dhaqaaqyadii ururka, inta dowlad rayid ah looga dhisayo dalkaas.

Golaha ayaa go’aankan ku dhowaaqay kaddib kulan ay xubnaha golaha ku yeesheen khamiistii magaalada Addis-Ababa.

Go’aanka ayaa ka dambeeyey kaddib markii dhowaan ay sare u kaceen rabshadaha dalka Sudan, ayada oo ciidammada ammaanka ay toddobaadkan dileen dad ka badan 100 qof oo dibad-baxayaal ah sida la sheegay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6739 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: