Advertisements
Wararka

Maamulka M/weyne Trump oo cunaqabateyn hor leh saaray shirkado Iiraan ay leedahay…


Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa shaaciyay in cunnaqabateyn cusub oo ka dhan ah saartay shirkadaha Petrokimikalka Iiraan ee dibada wax u Dhoofiya.

Xayiraadaan ayaa waxaa la saaray shirkada weyn ee lagu magacaabo Persian Gulf Petrochemical Industries (PGPIC).

Waaxda maaliyada ee Mareykanka ayaa war saxaafadeed ka soo baxay waxaa lagu eedeeyay in shirkadaan ay dhaqaalo ku taageerto ciidanka kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan.

Waaxda maaliyada ayaa dhanka kale tilmaantay in 39 shirkadood oo iyagana dibada u suuq geeya Kiimikada ay ka mid yihiin.

Mareykanka ayaa dhanka kale u hanjabay shirkadaha macaamilka la leh shirkadaha Kiimikada Iiraan in ay joojiyaan, hadii kale ay cunnaqabateyn la kulmi Doonaan.

Xoghayaha wasaarada maaliyada Mareykanka Steven Mnuchin ayaa dhanka kale xaqiijiyay in ay sii wadi doonaan beegsiga ay ku hayaan shirkadaha ganacsiga Iiraan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6739 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: