Advertisements
Wararka

Maxamed Nuur oo ka tirsanaa Booliska Minneapolis oo lagu xukumay 12.5 sano oo xabsi ah…


Garsoore ku sugan maxkamad ku taal Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa xabsi 12.5 ah ku xukumay Maxamed Nuur oo ahaa askari ka tirsan Booliska Minneapolis.

Maxamed Nuur ayaa asal ahaan kasoo jeedda Soomaaliya, waxaana uu ka mid ahaa saraakiishii booliska ee Soomaalida ahaa ee ugu horreyay ee ka mid noqdo Booliska Mareykanka.

Guddi xeer-beegti ah oo eegayay dacwad dil ah oo lagu soo oogay Maxamed Nuur ayaa ku helay laba danbi oo dil ah.

Mid ka mid ah dambiyada lagu helay ayaa ah dilka darajada heerka saddexaad, waxaase lagu waayey dilka darajada heerka labaad, oo ciqaabtiisa ka badnaan lahayd Midkaan.

Maxamed Nuur ayaa loo haystay dilka gabar caddaan ah oo lagu magacaabay Justine Damond, oo u dhalatay dalka Australia.

Nuur ayaa dilay Justine Ruszczyk Damond oo booliska wacday kadib markii ay baqdin dareentey 2017-kii.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6739 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: