Advertisements
Wararka

Xubno ka tirsan hogaanka sare ee mucaaradka Sudan oo maanta la xiray…


Laba xubnood oo ka mid ah hogaanka sare ee mucaaradka Sudan ayaa la xiray sabtida maanta ah kadib markii ay kulan la qaateen Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo dalkaasi u jooga sidii xal nabadeed loo Gaari Lahaa.

Xubnaha la xiray ayaa kala ah Xoghayaha guud ee xisbiga dhaqdhaqaaqa xornima- doonka waqooyi Ismaaciil Jallab iyo afhayeenka kooxaha hubeysan mr Mubarak Adol.

Mr Abiy ayaa Jimcihii shalay ku booriyay madaxda milatariga iyo xubnaha mucaaradka in ay gaaraan heshiis dimuquraadiyadeed oo dalkaasi Hormarin Kara.

Dalka Sudan ayaa waxaa ku daatay dhiig fara badan kadib isku dhacyo u dhaxeeyey dibadbaxayaasha iyo milatariga haya oo dib uga qarxay magaalada Khartuum.

Labada dhinac ayaa waxaa dhexmaray wadahadalo aan mira dhalin.

Hogaanka mucaaradka ayaa dalbanaya in lagu soo wareejiyo xukunka, balse Milatariga ayaa qaba in arintaan ay qaadaneyso Mudo.

Xaalada Sudan ayaa laga deyrinayay tan iyo markii xilka laga tuuray bishii April madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7359 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: