Advertisements
Wararka

Tartankii Tenniska ee Roland Garros ee France oo lagu kala baxay kan ragga iyo hablaha…


Waxaa shalay iyo maanta oo taariikhdu kala aheyd 8 iyo 9 June la soo gebagebeeyey tartankii Tenniska ee Roland Garros oo lagu qabto dalka Faransiiska ee hablaha iyo Ragga.

Waxaa finalka Gabdhaha isugu soo haray A. Barty oo ka soo jeeda dalka Australia kagana jirta kaalimaha kaalinta sideedaad ee caalamka, waxy la kulantay M. Vondrousova oo ka soo jeeda dalka Czech Republic.

Barty-.jpg

A. Barty                6 6
M. Vondrousova 1 3

Halkaasi waxaa guusha ku raacday Barty.

Dhinaca ragga oo finalka ku tartamay R. Nadal oo Spain ka soo jeeda iyo D. Thiem oo Austria ka soo jeeda, wuxuu Nadal kaga jiraa kaalimaha kaalinta labaad ee adduunka halka Thiem kaga jiro kaalinta afaraad ee adduunka.

Farxada Nadal

D. Thiem       3 7 1 1
R. Nadal        6 5 6 6

Halkaasi waxaa guusha ku raacday Rafael Nadal.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7382 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: