Advertisements
Wararka

Nin Soomaali ah oo ku eedeysan inuu kufsi geystay ayaa lagu xukumay in la musaafuriyo…


Yacquub Axmed oo 30 jir soomaali ah ayaa mar kale maxkamad ku taal dalka Ingriiska waxa ay ku ridday xukun musaafuris ah kadib markii bishii October ee sano hore la soo celiyay xilli uu saarnaa diyaarad dalka looga musaafurinayay sababo la xiriira rakaabkii diyaaradda la saarnaa oo gadood iyo buuq ugu hiiliyay.

Mr. Yacquub iyo rag kale ayaa lagu eedeeyay in ay sannadkii 2007-da kufsadeen gabar xilligaasi jirtay 16 sano.

Tan iyo markii lasoo celiyay ayuu Yacquub si xor ah u dhexmarayay magaalada London kadib markii ay maxkamad kusii deysay damaanad, balse waxaa lagu xiray aalad lagala socdo dhaq-dhaqaaqiisa.

Kadib xukunkan cusub ayaa waxaa Yacquub lagu xiray goob xabsi u eg oo uu ku jirayo inta dalka markale looga musaafurinayo.

Qoyska gabadha la kufsaday ayaa soo dhoweeyay go’aanka cusub ee maxkamadda ee dalka looga musaafurinayo Yacquub.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6739 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: