Advertisements
Wararka

Portugal oo ku guuleysatay namuunada cusub ee koobka Qaramada ee Yurub…


Portugal ayaa ku guuleysatay namuunada cusub ee koobka Qaramada ee Yurub, kadib markii ay uga badisay Qaranka Holland 1-0.

Guushan ayaa u ah Portugal tii labaad oo ay ku guuleystaan muddo seddax sano ah, iyagoo horey ugu guuleystay horyaalka Yurub 2016kii, waxaana tababare u ahaa macallinka hadda hogaaminaya Fernando Santos.

Goolka guusha ayaa waxaa dhaliyey “Goncalo Guedes”, kadib markii saacad ka soo wareegtay xilliga ciyaarta, kulanka ayaa ka dhacay garoonka Dragao ee magaalada Porto ee Portugal.

Tababare Santos ayaa sheegay in guushan ay caddeyn u tahay midnimada kooxda.

“Shantii sano ee la soo dhaafay, waxaan aheyn sida hal qoys oo adag oo kale, waan ognahay waxa aan sameyn karno, waxaan ogeyn inaan badin karno kulankaan”. ayuu yiri.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7156 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: