Advertisements
Wararka

Ciyaartooyda ugu dakhli badan sanadka 2018-19 oo ay ugu horeeyaan seddax ka mid ah xiddigaha…


Wargeyska Forbes ee Mareykanka oo ku takhasusay la socodka dakhli ciyaartooyda ayaa soo saaray liiska ciyaartooyda ugu dakhli badnaa sanadka 2018-2019, waxaa ugu horeeya seddax ka mid ah xiddigaha kubada cagta.

Xiddiga Lionel Messi oo ah matoorka Barcelona ayaa galay kaalinta koowaad, halka Cristiano Ronaldo oo u ciyaara Juventus uu galay kaalinta labaad, seddaxaadna waxaa ciriirsaday Neymar oo u ciyaara PSG, halka feeryahana Mexican-ka Canillo alvarez uu galay kaalinta afaraad.

Lionel Messi, Argentina (Barcelona),: $ 127 milyan

Cristiano Ronaldo, Portuga (Juventus): $ 109 milyan.

Neymar, Brazil (Paris St Germain): $ 105 milyan.

Canillo Alvarez, Mexico: feeryahan $ 94 million.

Roger Federer, Swiss (Tennis): $ 93.4 milyan

Russell Wilson, America (Seattle Seahawks American Football Team): $ 89.5 million.

Aaron Rogers, America (California Golden Bulls American football Team): $ 89.3 milyan.

LeBron James, America (Los Angeles Lakers ee kubada koleyga): $ 89 milyan.

Stephen Curry, America (Kooxda Golden state Warriors ee Kubada Koleyga): $ 79.8 milyan.

Kevin Durrant, America (Kooxda Golden State Warriors ee Kubadda Koleyga): $ 65.4 milyan.

Serena Williams, (America) oo ah ciyaaryahan dhinaca Tennis-ka ayaa ah tan keliya oo haween ah ee ku jirta boqolka ciyaaryahan ee ugu dakhli badan 2018-2019, waxaana soo galay 29 milyan oo dollar, waxayna kaalimaha kaga jirtaa kaalinta 63aad.

Forbes ayaa ku tiirsan xisaabaadka iyo qiyaasaha tifaftirayaasha joornaalka, waxayna xoggaheedu yihiin kuwa la rumeysan karo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6739 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: