Advertisements
Wararka

Hogaamiyaha mucaaradka ee xisbiga SPLM-N Yasir Arman oo loo tarxiilay Koonfurta Sudan…


Hogaamiyaha mucaaradka ee xisbiga SPLM-N Yasir Arman oo ah siyaasi si weyn looga yaqaano dalka Sudan iyo xoghayaha guud ee xisbiga Ismaaciil Jallab iyo afhayeenka xisbiga Mubaarak Ardol ayaa la xiray kadibna loo tarxiilay dalka Koonfurta Sudan.

Hogaamiyaha mucaaradka Sudan ayaa sheegay in milatariga haya xukunka Sudan ay si xoog ah ugu qasbeen in ay u Masaafuriyaan dalka Koonfurta Sudan, waxaanna ku weheliya laba ka mid ah hogaanka Mucaaradka.

Arintaan ayaa ka danbeysay kadib dibadbaxyo dhiig ku daatay oo labadii todobaad ee la soo dhaafay ka dhacay Sudan.

Milatariga Sudan ayaa talada la wareegay 12-kii bishii April kadib markii si qasab ah talada looga tuuray madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7209 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: