Advertisements
Wararka

Kim Yong-nam oo walaal la ahaa hogaamiyaha W/Kuuriya ayaa la sheegay inuu basaas…


Kim Yong-nam oo ahaa walaalkii la dhashay hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Yong-un ee sannadkii 2017 lagu dilay dalka Malaysia ayaa warar soo ifbaxay waxa ay sheegayaan in uu basaas u ahaa sirdoonka Mareykanka ee loo yaqaan CIA-da.

Warkan ayaa waxaa jariiradda Wall Street Journal u sheegay sarkaal magaciisa qariyay oo ka tirsan waaxda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da.

Waxa uu sarkaalkani sheegay in uu xiriir ka dhexeeyay Kim iyo CIA-da maadaama la aaminsanaa in uu hayo xog badan oo ku saabsan xukuumadda uu walaalkii hoggaamiye ee fadhigeedu yahay magaalada Pyongyang.

Mr. Kim ayaa in mudo waxa uu dibedda uga noolaa dalkiisa Waqooyiga Kuuriya, isagoona u badnaa deegaan ahaan dalka Shiinaha.

Sannadkii 2017 ayaa isaga oo ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Kuala-lumpur ee dalkaasi Malaysia waxaa weerar ku qaaday labo gabdhood oo wajiga u mariyay sun, wuxuuna dhintay saacado kadib.

Dilka Kim ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay ka dambeysay xukuumadda Waqooyiga Kuuriya ee uu hoggaamiyo walaalkiis.

CIA-da Mareykanka ayaa ka gaabsatay warkan cusub ee soo shaac baxay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6739 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: