Advertisements
Wararka

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB oo howlgal qorsheysan ka fuliyey J/Hoose…


Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB oo ka tirsan xoogga dalka ayaa howlgal gaar ah ka sameeyay deegaano dhaca duleedka magaalada Kismaayo, iyagoo weeraray goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Sida wararku sheegayaan Ciidamada DANAB ayaa howlgalka ka fuliyay deegaanka Araare oo ka tirsan Gobolka Jubadda Hoose, waxaana ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha qeybta Ururka labaad ee ciidanka DANAB ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegay in ciidanka ku sugan deegaanka Baarsanguuni ay fuliyeen howlgalka, isla markaana weerareen deegaanka Araare.

Waxaa uu xusay in aanay jirin wax khasaare soo gaaray, isla markaana howlgalka uu ka dambeeyay markii ay heleen Xog sirdoon.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalkan ay ka qeyb qaateen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helicopter

Ciidamada DANAB oo taageero ka helaya kuwa Mareykanka ayaa muddooyinkii u dambeeyay howlgallo ka waday deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab, waxaana howlgaladaas oo ah kuwo bartilmaameed ah lagu qaadaa saldhigyada iyo xarumaha Shabaabka ku leeyihiin Gobolada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6739 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: