Advertisements
Wararka

Laamaha Ammaanka ee Kenya oo xabsiga ka sii daayey aqoonyahan Soomaaliyeed…


Laamaha ammaanka dalka Kenya ayaa xabsiga xalay kasii daayay Dr Ibraahim Faarax Bursaliid, Bursaliid oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo wax ka dhiga mid kamid ah Jaamacadaha dalka Kenya.

Ibraahim Bursaliid ayaa maalmo kahor laga soo xiray gurigiisa oo kuyaala magaalada Nairobi, waxaana isaga iyo rag kale lasoo taagay maxkamad kutaala magaalada Nairobi oo iyana amartay in xabsiga lagu sii hayo.

Siyaasiyiin iyo dad kale oo magac leh ayaa dadaal u galay sidii xabsiga looga sii deyn lahaa aqoonyahan Ibraahiim Bursaliid oo ah falanqeeye siyaasada geeska Afrka gaar ahaan tan Soomaaliya.

Dowlada Kenya ayaan wali si rasmi ah u shaacin dambiga loo xiray aqoonyahankan Soomaaliyeed, waxa uuna xarigan kusoo aaday xili Kenya ay bilowday cadaadis ka dhan ah dadka Soomaaliyeed .

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7209 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: