Advertisements
Wararka

Hooyo Mareykan ah oo maxkamad ka codsatay in loo naxariisto ninkeeda oo ka dilay…


Hooyo Maraykan ah oo shan caruur ah uu ka dilay aabahood ayaa xeerbeegti dacwaddiisa qaadaysa ka codsatay in aysan dil ku xukumin. Amber Kyzer ayaa maxkamada ku taalla South Carolina u sheegtay in Tim Jones Jr “uusan wax naxariis ah tusin carruurta, balse carruurtiisu ay jeclaayeen”.

Ninkan 37 jir ah ayaa bishii May lagu helay in uu dilay carruurtaas walaalaha ah oo da’doodu u dhaxaysay hal ilaa siddeed sano jirro. Carruurtu ayuu ku laayay gurigiisa oo ku yaallay Lexington taariikhdu markay ahayd 28 Agoosto 2014.

Guurtidan ayaa ka baaraan dagaya in Jones dil lagu xukumo ama xabsi daa’in la dhigo. “Waan maqlay waxay carruurtu mareen iyo xanuunka taabtay,” ayay tiri Kyzer oo maxkamadda ku sugnayd Talaadadii. “Hooyo ahaanna, haddaan awooddo wajigiisaan badali lahaa. “Taasi waa hooyonimada igu jirta.

Taasi waa dulqaadka hooyonimo.” Kyzer ayaa xeerbeegtida u sheegtay in inta badan nolosheeda ay ka soo horjeedday dilka la isku xukumo.

Waxay sheegtay in inkastoo mararka qaar ay rajaynaysay in waaxda caddaaladdu ay si daran u ciqaabto ninkeedii hore, haddana aysan marka ugu dambaysa doorateen in dil lagu xukumo.

“Haba yaraatee wax naxariis ah ma uusan tusin carruurta,” ayay ku celisay waxayna ku sii dartay “Carruurtaydu way jeclaayeen isaga marka haddii aan u hadlo carruurtayda oon dareenkayga meel iska dhigo, sidaas ayaan leeyahay”.

Kyzer ayaa intaas ku dartay in ay ixtiraami doonto go’aan kaste oo xeerbeegtidu gaarto. Waxaa loogu yeeray in ay markhaatigeeda ka hor caddayso qareennadii difaacayay.

Lamaanahaas ayaa is guursaday lix toddobaad ka dib markii ay ku kulmeen meel carruurta lagu ciyaarsiiyo oo ku taalla Chicago sannadkii 2004tii, halkaas oo ay ka wada shaqayn jireeen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7382 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: