Advertisements
Wararka

Labo Markab oo ah nuuca saliida qaada oo loo badinayo in lagu weeraray Gacanka Cuman…


Labo Markab nuuca saliidda qaada oo laga leeyahay dalalka Norway iyo Japan ayaa la sheegay in maanta oo khamiis ah lagu weeraray Gacanka Cuman ee u dhaxeeya dalalka Imaaraadka Carabta iyo Iran.

War kasoo baxay Hay’adda Ilaalada Badaha ee Norway ayaa lagu sheegay in saddex qarax laga maqlay markabka oo lagu magacaabo Front Altair , waxaana la sheegay in dadkii saarnaa Markabka aysna dhibaato kasoo gaarin.

Hay’addan warka ay soo saartay ayaa sidoo kale lagu sheegay in Doon nuuca xamuulka qaada ah oo iyana lagu magacaabo Kokuka Courageou lagu weeraray goob aan ka fogeyn halkii lagu weeraray Markabka Front Altair.

Ciidamada badda Iran ayaa soo bad-baadiyey 44 qof oo ah shaqaalaha laba Markab oo saliidda qaada oo dab uu ka kacay kadib dhacdo ku qabsatay gacanka Cuman, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Iran ee IRNA.

“44 badmaaxayaal oo saarnaa labada markab oo shisheeye ah ayaa waxaa badda kasoo badbaadiyey ciidamada badda ee qeybta gobolka Hormozgan waxaana la geeyey dekedda Bandar-e-Jask” ayaa wakaaladda wararka IRNA ay kasoo xigatay ilo-wareed.

Mid ka mid ah maraakiibta oo sita calanka jaziiradda Marshall Islands ayaa kiimikada shidaalka lagu daro ee Ethanol kasoo qaaday dalka Qatar una socday Taiwan, waxaana saarnaa 23 shaqaale.

Markabka kale oo ay saarnaayeen 21 shaqaale, ayaa sita calanka dalka Panama, wuxuuna kasoo tagay magaalada al-Jubeil ee dalka Sacuudiga una socday Singapore, lama oga ilaa hada waxa sababay dabka ka kacay maraakiibta, balse waxaa loo malaynayaa in la weeraray.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6739 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: