Advertisements
Wararka

Xildhibaan laga soo doorto Bariga Wajeer oo gudaha baarlamaanka ugu gacan qaaday xildhibaanad…


Xildhibaanka laga soo doorto Bariga Wajeer Rashid Amin ayaa la xirey kadib markii uu ku dhex feeray gudaha golaha baarlamaanka Kenya xildhibaan Fadumo Geedi.

Rashid Amin, oo ah xildhibaanka bariga Wajeer ayaa lagu eedeeyay inuu Faadumo Geeddi ugu gacan qaaday dhismaha baarlamaanka gudihiisa isagoo feer uu ku dhiftey uu sababay in afkeeda uu dhiig ka soo daato.

Wararka ayaa sheegaya in Mr Amin uu xildhibaan Faadumo ku eedeeyay inaysan deegaankiisa wax dhaqaale ah u qoondeynin, maadaama ay ka mid tahay guddiga miisaaniyadda ee Baarlamaanka.

Arrintan ayaa sababtay in dhammaan xildhibaannada dumarka ah ee ku jira Baarlamaanka Kenya ay maanta isaga baxeen aqalka, iyadoo uu socday kulan muhiim ah oo ku saabsan miisaaniyad sanadeedka dalka.

Tallaabadan ayey mudanayaasha ku muujinayeen carada ay ka qaadeen weerar gacan qaad ah oo maanta loo geystay haweeneyda baarlamaanka u matashada Dumarka ismaamulka Wajeer Faadumo Geeddi.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6739 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: