Advertisements
Wararka

Al-Shabaab oo ka hadashay howlgal qorsheysan oo ku soo afduubteen askar ka tirsan Kenya…


Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa sheegay in howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen degaanno hoos yimaada magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ay ku soo afduubteen askar ka tirsan Booliiska dalka Kenya.

Qoraal ka soo baxay Al-Shabaab oo lagu daabacay warbaahinta taageerta ururkaasi ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay askar ka tirsan Booliiska Kenya ku soo qafaasheen weerar qorshaysan oo ay ka fuliyeen degaan hoos yimaada magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya islamarkaana ay gacanta ku dhigeen laba mooto iyo agab ciidan oo kala duwan kadib markii ay qabsadeen xarun Booliis.

Dowladda Kenya ayaan weli wax war ah ka soo saarin sheegashada Al-Shabaab ee ku aaddan in ay soo af-duubteen askar ka tirsan Booliiska Kenya iyo in ay gacanta ku dhigeen agabyo kala duwan oo ciidan.

Dhinaca kale dowladda Kenya ayaa sheegtay in saddex xubnood oo loo malaynayo in ay Al-Shabaab ka tirsanaayeen ay Khamiistii shalay la qaraxday miino ay ku aasayeen kaynta Boni oo ku taalla degaanka Lamu ee dalka Kenya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7382 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: