Advertisements
Wararka

Dowlada Marekanka oo Iran ku eedeysay weerarkii maraakiibta saliida qaada ee Badda…


Dowladda Mareykamka ayaa Iran ku eedeysay in ay ka dambeyso weerarkii shalay lala eegtay labo markab oo ah kuwa qaada saliidda kuwaasi oo marayay badda Cumaan ee u dhow Iran.

Wasiirka arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo oo shir jaraa’id uu kaga hadlayo weerarka markabka ayaa sheegay in caddeymaha horudhaca ah ee ay heleen muujinayaan in weerarkani Iran ka dambeyso.

“Qaabka uu weerarka u dhacay iyo hubka la adeegsadayba waxa ay muujinayaan in Iran ka dambeyso, waana qiimeynta Mareykanka uu sameeyay”, sidaa waxaa yiri wasiir Mike Pompeo.

Adel al-Jubeir, wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga ayaa Mareykanka ku raacay in weerarkani ka dambeyso dowladda Iran. Sidoo kale waxaa qiimeynta Mareykanka ku raacay xoghayaha arrimaha dibada Ingriiska Jeremy Hunt.

Dhanka kale dowladda Iran ayaa gaashaanka u daruurtay eedeymahan cusub ee weerarka markabka, waxaana ay ugu baaqday Mareykanka iyo xulufadiisa in ay joojiyaan colaadda ay hurinayaan.

Waxay Iran sidoo kale cambaareysay weerarkan, iyadoona ku baaqday in loo saaro guddi madax-bannaan oo soo baara.

Waa weerarkii labaad ee lala eegto maraakiib gobolkaasi ku sugan mudo gaaban gudeheed.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6739 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: