Advertisements
Wararka

Laab jeexa ayaa ah dhibaato guud oo caafimaad oo baahsan oo dad badan ka cabanaya…

Acid reflux in old women

Laab jeexa ayaa ah dhibaato guud oo caafimaad oo aad u baahsan oo dad badan ka cabanaya, hadaba maxaa sababa laab jeexa iyo sidee looga hortagi karaa?

Si aad uga jawaabtid su’aashan waxaa habboon in la sharxo waxa uu yahay laab jeexu, laab jeexa ayaa ka dhasha natiijada cuntada oo dheecaanka aashitada ku jirta oo ku soo noqota hunguriga taasi oo keenta dareen gubasho ah dhinaca dhuunta, xabadka iyo afka oo ka dhadhansata acidka.

Laab jeexa ayaa loo aaneynayaa dhowr sababood, kuwa ugu muhimsan:

Cunida raashin dufan leh.

Cunida raashinka waqti dambe ee habeenkii.

Cabitaanada Acidic ku jira sida casiirka liinta iyo bambelmada iwm.

Murugada nafsiga ah ama “Psychological stress” kaasi oo ku badiya dheecaan acid ah oo ku sii kordha dheefshiidka, taas oo iyana kordhinaysa fursadaha soo noqoshada.

Seddax cudur ayaa jira oo ka mid ah sababaha laab jeexa keena mararka qaar, laakin haddii ay soo laalaabato si todobaadle ah, waxaa kuu yeeray gambaleelka khatarta ah oo laga yaabo inuu ku hayo cudurada soo socda:

Hernia.

Boogaha caloosha.

Gastritis ama cudurada ku dhaca caloosha.

Oesophagus

Haddii aan lagu guuleysan in la daweeyo laab jeexa, wuxuu sababi karaa cuduro halis ah sida inuu ku bukooda hunguriga ama boog dhinaca caloosha ah, waxaa laga yaabaa inuu u gudbo xaalado intaasi ka xun sida kansarka cunta mareenka.

Si looga fogaado laab jeexa iyo dhibkiisa waxaa mudan in la raaco tallooyinkan dahabiga ah:

Cun shan illaa lix jeer cunto yaryar oo loo qaybiyey maalintii oo dhan halkii aad ka cuni laheyd cunnooyin waaweyn oo badan hal mar.

In la tixgeliyo hoos u dhigista cunnooyinka culus oo ku badan dufunka sida ugu suurta galsan.

Ha cunin goor dambe oo habeenkii raashin.

Isla markii cuntada aad cunto ha jiifsan.

Kor u qaad qeybta hore ee jirkaada marka aad seexaneysid.

Ka gudub dhibaatada murugada ama stress-ka nafsiga oo keena laab jeexa, taasi waxaa looga gudbi karaa adigoo isticmaala jimicsiga sida Yoga ama farsamooyinka kale ee jimicsiga. iska yaree fekerka xad dhaafka ah oo aan wax dhiseynin.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7156 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: