Advertisements
Wararka

Xildhibaankii dharbaaxay Xildhibaanada oo la cadeeyey inuu qabo dhibaato dhanka maskaxda…


Xildhibaanka Bariga Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya Rashiid Khasim Amiin ayaa ka soo muuqday maxkamada Milimani ee magaalada Nairobi.

Mr Khasim oo khamiistii dharbaaxay wakiilka matasha hablaha wajeer marwo Fatuma Gedi ayaa beeniyay in uu wax danbi ah uu galay.

Balse arintaan ayaa waxaa ka diiday garsooraha maxkamada Nairobi Francis Ndayi maadama cadeyn loo hayo xadgudubka uu u geestay Gabadhaan.

Dhanka kale qareenka u doodayay Mr Khasim ayaa sheegay in laga soo baaray Isbitaalka Aga Khan ee magaalada Nairobi, oo lagu cadeeyay in dhibaato dhanka maskaxda ah uu dareemayo Mr Amiin.

Garsoorka maxkamada ayaa ku sii daayay damaanad lacageed oo dhan 50 kun iyadoo dib la isugu soo laaban Doono.

Si kastaba ha ahaatee dibadbaxyo balaaran oo looga soo horjeedo qadafka uu Mr Amiin u geestay Marwo Fatuma Gedi ayaa ka dhacay guud ahaan gobolka waqooyi Bari.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6919 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: