Advertisements
Wararka

Mid ka mid ah Nabadoonada Gobolka Jubbada Hoose oo xalay Kismaayo lagu dilay…


Mid ka mid ah Nabadoonada gobolka Jubbada Hoose ayaa xalay lagu diley magaalada Kismaayo xilli uu ka soo baxay Masjid uu ku tukaday salaada maqrib.

Dadkii ka dambeeyay dilka Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xasan ayaa baxsady iyadoo halkaasi ay gaareen qaar ka mid ah ciidamada ammaanka magaalkada Kismaayo.

Nabadoonka la diley ayaa la sheegay inuu ka mid yahay nabadoonada soo xulaya xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland.

Dilka nabadoonka ayaa waxaa si kulul uga hadlay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam isagoo amray laamaha ammaanka inay baaritaan ku sameeyaan sharcigana horkeenan ciddii ka dambeysay dilka nabadoonka.

Dilalka nabadoonada iyo dadka waxgalka ah ayaa marwalba ka dhaca dalka Soomaaliya iyadoo aan la ogeyn ujeedada ka dambeysa dilalkas.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6919 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: