Advertisements
Wararka

Pentagon-ka oo soo bandhigay muuqaallo horleh oo lala xiriirinayo Iran in ay ka dambeysay…


Wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka ayaa soo bandhigtay muuqaallo horleh oo lala xiriirinayo Iran kuwaas oo ku saabsan weerarradii lagu qaaday maraakiibta shidaalka qaada ee marayay gacanka Cumaan maalmo ka hor.

Muuqaalladan ayaa waxaa ka mid ah doon ay saaran yihiin waxa uu mareykanku ku sheegay ciidamada gaarka ah ee Iran kuwaas oo gumacyo aan qarxin ka bixinaya markabka la duqeeyay.

Isagoo arrintan ka duulaya ayaa Maraykanku waxa uu 1,000 askari oo dheeri ah u diraya Bariga Dhexe iyadoo ay sii xoogaysanayso xiisadda kala dhaxaysa Iran.

Wasiirka difaaca ee ku meelgaarka ah Patrick Shanahan ayaa sheegay in gaynta ciidammadaas ay jawaab u tahay wax uu ku tilmaamay “dabeecadaha qalafsan” ee ciidammada Iran.

Iran ayaa Isniintii ku dhawaaqday in aysan u sii hoggaansamayn qayb ka mid ah heshiiskii ay gashay 2015 kaas oo ku saabsanaa in ay dhinto hamigeeda nukliyeerka ku saabsan.

Waxay sheegtay in ay ka bixi doonto heshiiskii ay la gashay quwadaha caalamka ee ku saabsanaa yuuraaniyaamka, arrintaasna ay ku dhaqaaqi doonto meesha lagu gaaro 27 bishan June.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7569 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: