Advertisements
Wararka

Koobka Qaramada Afrika oo si rasmi ah uga furmay magaalada Qaahira ee dalka Masar…


Garoonka caalamiga ee Qaahira ayaa lagu soo bandhigay xaflad weyn oo si weyn loo soo agaasimay oo aheyd furitaanka dabaaldega koobka Qaramada Afrika ee 2019, sanadkan wuxuu marti u yahay Masar laga bilaabo maanta ilaa 19-ka bisha soo socota.

Waxaa lagu soo bandhigay xaflada furitaanka taariikhdii hore ee Masar iyo tan waqtigan.

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah Sisi ayaa furay tartanka iyada oo ay dhinac fadhiyeen madaxada FIFA Gianni Infantino iyo CAF Ahmed Ahmed.

Sanadkan waxaa ka qeyb galaya tartanka 24 wadan, sidoo kale waxaa la soo hormariyey waqtigii la qaban jirey koobka Qaramada Afrika oo la qaban jiray bisha January.

Isku aadka qaramadaAfrika.jpg

Ciyaartii ugu horeysay waxaa lagu furay Qaramada Masar iyo Zimbabwe oo ku wada jira group-ka A.

Shabakada Wararka
hagaag.com

info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6919 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: