Advertisements
Wararka

Qiimaha lacagta digital-ka Bitcoin oo mar kale kor u kacday oo gaartay toban kun oo dollar…


Qiimaha Lacagta digital-ka ee Bitcoin oo dhaaftay 10.000 oo dollar xalay oo Jimco Sabti soo galeyso aheyd, lacagtan ayaa qiimaheeda kor u sii kaceyay maalmahan.

Sida laga soo xigtay shabakada Coinmarketcap, oo kormeerta qiimaha Bitcoin ayaa sheegtay in qiimaheedu uu gaaray 10.166 dollar halkii Bitcoin.

Toddobaadkan ayaa bitcoin ka heshay taageero ka timid wararka sheegaya in Facebook uu soo saari doono cryptocurrency oo loogu magac daray libra. Taasi ayaa waxay kordhin kartaa aqbalaadda lacagaha dijitaalka ah.

Lacagaha kale ee asaliga ah sida ethereum, litecoin iyo monro ayaa sidoo kale ka faa’iideysanaya sida loo soo cusbooneysiiyey soo jiidashada lacagaha cryptocurrency oo kor u sii kacaya.

Heerka qiimaha ee 10,000 oo doolar ayaa ah weli nuska heerkii ugu sarreeya ee ay gaarto lacagta Bitcoin bishii December 2017 oo qiimaha sarifka uu gaaray 20.000 oo dollar, waxaa u xigay muddo 12 bilood ah oo lacagtan qiimaheeda si tartiib hoos ugu dhacayey ilaa ay qiimo dhacdo seddax meelood hal meel, hadana qiimaha ayaa bilaabay inuu kor u kaco dhamaadka sanadkii hore.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6919 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: