Advertisements
Wararka

Maxkamad Mareykan ah oo ku riday xukun muwaadin Soomaaliyeed oo xatooyo qaran…


Maxkamad ku taallo dalka Mareykanka ayaa xukun ku riday muwaadin Somaliyed oo lagu eedeeyay falal xatooyo qaran ku saleysan.

Maxamed Khaliif oo 21 jir ah ayaa la soo taagay maxkamad ku taalo Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, halkaasi oo lagu soo bandhigay eedeymaha loo haystay.

Maxamed ayaa lagu eedeeyay inuu xaday xogta kaararka lacagta & inuu iibinaayay Qalab ku kaydsanaa Heshiis Maaliyadeed dalka Mareykanka.

Maxkamadda waxa ay sheegtay in eedeysanaha uu qirtay falka lagu soo eedeeyay.

Garsooraha Maxkamadda, Mathiyo Stewart waxa uu ku xukumay Eedeysanaha Xabsi ilaa 4-sanno ah iyo in Maraykanka laga masaafuriyo marka uu dhamaysto Xukunkiisa.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6919 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: