Advertisements
Wararka

Haweenay ku dhex huruday diyaarada Air Canada oo soo toostay iyadoo ku dhex xiran…


Tiffani Adams, oo ah haweeney u dhalatay dalka Canada ayaa ka sheekeysay dhacdo ay kala kulantay mid ka mid ah diyaaradaha Air Canada kadib markii safar ay kusoo gashay ay ku dhex huruday diyaarada, markii ay cagadhigatayna diyaaradda looga kala tagay, iskeedna uga kacday hurdada dhowr saacadood kadib.

Haweeneydan ayaa sheegtay in ay diyaaradda kasoo raacday magaalada Quebec, una socotay magaalada kale ee Toronto, sagaalkii bishan eynu ku jirno ee Juun, iyadoona ku dhex seexatay diyaaradda.

Waxa ay sheegtay in markii ay soo toostay ay aragtay diyaaradda oo meel la fariisiyay dabadeedna lagu dhex xiray.

Waxa ay wacday saaxiibteed oo ay ku wargelisay in ay dhacdadaasi ku dhacday, ayna xabisan tahay.

Maamulka diyaaradda ayaa xaqiijiyay in arrintani dhacday, ayna wadaan baaris ku aadan qaabkii ay u dhacday.

Markii ay in mudo ah ku dhexwareegeysay ayay waxa ay daaqada diyaaradda ka dhex aragtay mid ka mid ah shaqaalaha boorsooyinka saara diyaaradda, sidaasna uu ugu yeeray dadkii ku shaqada lahaa.

Dhacdadan ayaa ka mid noqoneysa dhacdooyinka yaabka leh ee ka dhex dhaca diyaaradaha iyo garoomaha laga raaco.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7569 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: