Advertisements
Wararka

In ka badan Labo kun oo Apps oo ku jira google play store ayaa la sheegay in ay khatar yihiin…


Daraasad ay soo saartay Jaamacadda Sydney oo kaashanaysa Data61 – ayaa waxaa lagu soo bandhigay in ka badan 2,000 oo Apps oo ku jira Google play store ay yihiin kuwa khatar ah.

Sida lagu soo bandhigay daraasadan oo qaadatay muddo labo sano ah in ka badan 2040 Apps ay ku sifeeyeen kuwa halis ah, halka qaarkood ay ku jiraan waxyaabo laga shakin karo oo raadinaya helitaanka macluumaadka isticmaalaha.

Baaritaanada lagu sameeyey App-yada 1.2 milyan ayaa laga helay tiro badan oo Apps ka mid ah ay ahaayeen kuwo been abuur ah, kuwaasi oo raadiya helitaanka macluumaadka isticmaalaha sida Hill Climb Racing iyo Temple run.

App-yadan ayaa laga helay 7,246 Apps oo ah kuwa khatar ah halka 2040 Apps ay yihiin kuwo been abuur ah oo khatartoodu aad u sareyso.

Warbixin gooni ah oo ka soo baxday majalada Forbes ayaa sheegtay in hanjabaadaha ay sababaan App-yada telefoonnada gacanta ay wali khatar ku yihiin isticmaalayaasha nidaamyada telefoonada Android iyo ios.

Google iyo Apple ayaa ka shaqeynaya sidii ay u xoojin lahaayeen nidaamyadooda difaaca si ay ula dagaallamaan dambiilayaasha Internet-ka.

Google ayaa sidoo kale sheegtay in tirada App-yada la diiday ay kor u kacday in ka badan 55% sannadkii hore, halka App-yada la joojiyey ay kor u kacday 66%.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7359 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: