Advertisements
Wararka

Robert Mueller oo ogolaaday inuu si furan uga hor markhaati furo labada guddi hoosaad…


Robert Mueller, dambi baarihii gaarka ahaa ee eegayey faragalintii Ruushka ee doorashadii Maraykanka ee 2016 ayaa ogolaaday inuu si furan uga hor markhaati furo labada guddi hoosaad ee Cadaaladda iyo ka Sirdoonka ee Congresska Maraykanka. Mueller ayaa labaddan guddi hoosaad hor tagi doona bisha soo socota.

Labada guddoomiye ee guddi hoosaadyadan Jerrold Nadler iyo Adam Schiff ayaa warqad ay Talaadadii shalay soo saareen shaaca kaga qaaday in Mueller uu hor iman doono 17ka bisha July, iyaga iyo shacabka Maraykankuna ay u hanqal taagayaan inay isaga dhageystaan.

Mueller ayaa gacanta ku hayey baaris qaadatay muddo labo sano ku dhow, taas oo la xiriirtay faragalin uu Ruushku ku sameeyey doorashadii Maraykanka ee 2016 iyo in Madaxweyne Trump uu horjoogsi ku sameeyey caddaaladda, isaga oo isku dayey in baarista uu soo afjaro.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6919 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: