Advertisements
Wararka

Shir lagu ururinayo dhaqaale lagu horumariya nabada Israel iyo Falastiin oo ka furmay…


La taliyaha aqalka cad ee Mareykanka Jared Kushner ayaa sheegay in kobaca dhaqaalaha bariga dhexe uu yahay xalka kaliya ee ku jira in la helo nabada Israel iyo Falastiin.

Mr Jared Kushner ayaa sheegay in Mareykanka uu ku dadaalayo sidii loo hormarin lahaa ilaha dhaqaalaha.

Wiilkaan uu sodog u yahay madaxweyne Trump ayaa wada dadaalada Nabada ee Mareykanka uu hogaaminayo oo lagu daahfuray talaadadii shalay magaalada Manama ee dalka Baxreyn.

Isaga oo ka hadlayay daahfurka shirka ayaa waxuu tilmaamay in aysan suura gal noqon doonin nabada Bariga dhexe ilaa la dhisayo ilo Dhaqaale.

Shirkaan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galaya diblumaasiyiin ganacsato iyo shaqsiyaad caan ah oo lagu marti Qaaday.

Shacabka reer Falastiin ayaa horay u qaadacay shirkaan maadama aysan dowlada Mareykanka aysan ku qeexin madax banaanida Falastiin.

Kushner ayaa horay u sheegay in shacabka Falastiin aysan gaarin heer ay ismaamusho waqtina ay qaadan Doonto.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7569 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: