Advertisements
Wararka

AUN waxaa magaalada Mogadishu ku geeriyooday siyaasi Maxamed Qanyare Afrax…


Maxamed Qanyare Afrax oo horay u soo noqday Wasiirka Amniga Qaranka iyo Xildhibaan ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen eheladiisa.

Allaha u naxariistee Maxamed Qanyare ayaa ku jiray Isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) ee magaalada Muqdisho, halkaasoo uu muddooyinkan ku xanuunsanayay lagulana tacaalayay xaaladiisa caafimaad.

Maxamed Qanyare ayaa ka mid ahaa Hoggaamiyeyaashii siyaasadda ee awoodda ku lahaa Magaalada Muqdisho, waxaa lagu xusuustaa inuu xubin firfircoon kulahaa aas aaskii isbaheysigii la dagaalanka Argagixisda ee markii dambe ka adkaadeen Maxkamadihii islaamiga.

Sidoo kale Maxamed Qanyare ayaa dowladdii KMG ee lagu soo dhisay dalka Kenya ka noqday Wasiirka Amniga Qaranka, sidoo kale waxaa uu ahaa Musharaxii saddexaad ee ugu codka badnaa doorashadii xilka Madaxweynaha ee Embaghatii ka dhacday sanadkii 2004.

Kaddib sanadkii 2012-dii markii Soomaaliya ka baxday KMG ayaa Maxamed Qanyare waxaa uu ka baxay siyaasadda, isagoo xilligaas ay xanuuno soo wajaheen, waxaa kursigii Xildhibaannimada uu ku fadhiyay bedelay wiil uu dhalay oo lagu magacaabo C/weli Maxamed Qanyare.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Mudane Maxamed Qanyare Afrax oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyaynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Qanyare Afrax. Marxuumku waxa uu qayb weyn ka soo qaatay dadaalladii dib u heshiisiineed ee dalka isaga oo noqday Wasiir iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun انا لله وانا اليه راجعون

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6942 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: