Advertisements
Wararka

M/weyne ku xigeenkii hore ee Puntland oo loo magacaabay danjiraha Somalia ee Itoobiya…


Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland C/xakiin C/llaahi Camey ayaa loo magacaabay Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doono magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Eng. C/xakiin Cameey ayaa shalay gaaray magaalada Addis Ababa, iyadoo lagu wado in maalmaha soo socda ay Madaxda dalka Itoobiya ku wareejiyo waraaqihiisa aqoonsiga.

Magacaabida ayaa aheyd mid uu sameeyay Madaxweyne Farmaajo, iyadoo la xusuusto in Mr C/xakiin Camey taageeradii uu dowladda Federaalka iyo sida uu uga soo horjeeday tallaabooyinkii Madaxweynihii hore ee Puntland C/weli Gaas iyo dhismihii Golihii Iskaashiga dowlad goboleedyada.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa sheegaya in tani ay tahay mid dowladda Federaalka ay ku abaal marisay Eng. Camey sidii uu taageerada ugu muujiyay xilliyadii uu ahaa Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

Safiirkii horay u joogay Addis Ababa Cali Shariif oo muddo 7 bilood hayay xilkaas ayaa loo magaacabay Safaaradda Washington ee dalka Mareykanka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6919 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: