Advertisements
Wararka

Qareeno u dhashay dalka Kenya ayaa ka dalbaday Maxkamada sare in laga laabto kiiska badda…


Iyadoo Bisha September ee soo socota Maxkamadda ICJ ay ku dhawaaqday inay bilaabanayso dhageysiga dacwadda Muranka ay galisay Kenya badda Somaliya, ayaa Qareenada u dhashay dalkaasi waxa ay ka dalbadeen Maxkamadda Sare in laga laabto dacwadaasi.

Urur ay ku mideysan yihiin Qareenada Dalka Kenya ayaa waxa ay gal dacwadeed u gudbiyeen Maxkamadda Sare ee dalka Kenya si looga laabto dacwadda Kiiskaasi.

Qareennadan oo ku mideysan Ururrada kala ah Kinoti iyo Kibe, ayaa sheegay in kiiskaan ka qeybgalka Kenya uu xad gudub ku yahay dastuurka Kenya gaar ahaanna qodobada dhinaca sohdinta ku saabsan.

Waxaa kale oo ay farriintooda gaarsiiyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya & Xeer ilaaliyaha guud ee dalkaasi Kenya si arrintaan looga laabto.

Waxaa ay Maxkamadda sare ka codsadeen in ay si deg deg ah ugu dhawaaqdo in Kenya ay laashay ka qeybgalkeeda dhegeysiga kiiskan oo Maxkamadda ICJ ay billaabeyso Bisha September ee soo socota.

Kenya ayaa muran galisay qayb ka mid ah Biyaha Somaliya, taasi oo keentay in la isla tago Maxkamadda Cadaaladda Aduunka oo kiiska badda uu yaallo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6919 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: