Advertisements
Wararka

R/wasaaraha Itoobiya oo magacaabay taliyayaal cusub oo hogaamin doona Militariga iyo…


Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa u magacaabay General Adem Mohammed taliyaha ciidamada isagoo bedelaya taliyihii hore ee la diley General Seare Mekonnen.

Sidoo kale Abiy Ahmed ayaa u magacaabay Demelash Gebremichael taliyaha ciidamada Nabadsugida isagoo bedelaya General Adem oo xilkaas hore u hayay.

General Adem Mohammed ayaa ka soo jeeda Qowmiyada Amxaarada halka Demelash Gebremickael uu yahay Oromo.

Afgambi la isku dayay in lagula wareego Maamulka Amxaradda oo toddobaadkii hore ka dhacay dalka Ethiopia ayaa sababay in sare loo qaado amniga dalka Ethiopia waxaana illaa iyo hadda loo xirey sababo la xiriira afgembigaas inkabadan labo boqol oo ruux.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6919 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: