Advertisements
Wararka

Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo diyaarad lagu keenay magaalada Mogadishu…


Waxaa goor dhow diyaarad lagu keenay magaalada Muqdisho Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaasoo isku soo dhiibay Taliska Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Mukhtaar Maxamed Cabdi (Mukhtaar Ganeey), waxaa uu ka mid ahaa qeybta Jabhadaha Al-Shabaab.

Qoraal la soo dhigay barta Twitterka ee NISA ayaa lagu sheegay in Mukhtaar Ganeey uu muddo dheer ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana uu NISA ka dalbaday inay u sahasho sidii uu Al-Shabaab uga soo goosan lahaa.

Sarkaalkan ayaa ka soo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool, waxaana saakay diyaarad looga soo qaaday magaalada Baydhabo, iyadoo la geeyay mid ka mid ah xeryaha ay maamusho NISA.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay Saraakiil ka soo goosanayay Al-Shabaab, kuwaasoo isu soo dhiibay Taliska NISA, waxaana tani loo arkaa xeelad cusub oo NISA u adeegsaneyso la dagaalanka Al-Shabaab.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6942 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: