Advertisements
Wararka

Boqorada Holland oo lagu dhaleeceeyey kulankii ay la qaadatay dhaxal sugaha…


Qaramada Midoobay ayaa dhaleeceyn usoo jeedisay Boqorada Holland Máxima Zorreguieta kadib kulankii ay la qaadatay dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Labada dhinac ayaa isku arkay magaalada Osaka dalka Japan oo ay uga qeyb galeen shirka G20, waxaana Maxima lagu dhaliilay in aysan soo hadal qaadin dilka Jamal Khashoggi.

Madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan baaritaanada dilalka Agnes Callamard ayaa sheegtay in Boqorada Holland ay ka gaabsatay in ay ka hadasho wariyiha Sacuudiga ee sanadkii hore lagu dilay Turkiga.

Hadii aadan ka hadlin ama aadan dalban cadaalad in uu helo Jamal taasi waxay la macno tahay in aadan ka Walaacsaneyn, sidaasi waxaa wargeys-ka daily Algemeen Dagblad ee ka soo baxa Holland u sheegtay Agnes Callamard.

Baaritaano ay waday Qaramada Midoobay bilihii la soo dhaafay ayaa shaaca looga qaaday in Boqortooyada Sacuudiga ay ku lug laheyd falkaan.

Madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka baaritaanada dilalka ayaa ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Waxaa sidoo kale cambaareeyey Boqorada qaar ka mid ah axsaabta ka dhisan Holland.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6919 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: