Advertisements
Wararka

M/weynayaasha Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi oo ku kulmaya xadka labada Kuuriya…

US President Donald Trump (L) shakes hands with North Korea's leader Kim Jong Un before a meeting at the Sofitel Legend Metropole hotel in Hanoi on February 27, 2019. (Photo by SAUL LOEB / AFP) (Photo credit should read SAUL LOEB/AFP/Getty Images)

Madaxweynaha dalka Koonfurta Kuuriya Moon Jae-in ayaa shaaca ka qaaday in hoggaamiyaha dalka Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu aqbalay casuumaaddii uu u fidiyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump taas oo aheyd in uu kula kulmo aaga militeriga ka caagan ee xadka labada Kuuriya u dhaxeeya.

Kulankan ayaa maanta oo Axad ah dhacaya, waxaana lagu wadaa in labada hoggaamiye ay is gacan qaadaan, muddo daqiiqado ahna ay wada joogaan, sidi horayba uu bartiisa twitterka ugu caddeeyay madaxweyne Donald Trump.

Bishii Febraayo ee sannadkan ayay aheyd markii ugu dambeysay ee ay labadan hoggaamiye kulmeen, waxaana kulankaasi oo ka dhacay dalka Vietnam uu kusoo dhammaaday is-afgarad la’aan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6942 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: