Wararka

Ruushka iyo Shiinaha oo ku heshiiyey in ay wax ku kala iibsadaan lacagaha dalalkooda…


Wargeys ka soo baxa dalka Ruushka ayaa shaaca ka qaaday in saraakiil ka tirsan dowladaha Ruushka iyo Shiinaha ay saxiixeen heshiis labada dal ay meesha uga saarayaan isticmaalka lacagta caalamiga ah ee Dollar-ka Mareykanka.

Labada dal ayaa waxaa ka dhaxeeya heshiis ganacsi waxayna doonayaan in ay wax ku kala Iibsadaan Lacagahooda.

Jaraa’idka The Izvestiya ayaa daabacay in horaantii bishan June ay heshiiska kala saxiixdeen wasiirka maaliyada Ruushka Anton Siluanov iyo madaxa Bankiga dhexe shiinaha Yi Gang.

Wargeys-ka ayaa intaa ku daray in heshiiska uu yahay kii ugu horeeyay oo labada dhinac ugu gogol xaarayaan dadaalada ay ugu jiraan adeegsiga Lacagahooda.

Gudoomiyaha gudiga maaliyada iyo ganacsiga u qaabilsan baarlamaanka Ruushka Anatoly Aksakov ayaa dhankiisa u sheegay wargeyska Izvestiya in labada dal ay bilaabeen hormarinta Lacagta Shiinaha iyo Ruushka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7969 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: