Advertisements
Wararka

Trump iyo Kim oo ku kulmay soohdinta u dhaxeysa labada Kuuriya ee ka caagan hubka…


Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa iminka ku kulmay soohdinta sida wayn uga caaggan hubka ee u dhexaysa Kuuriyada Waqooyi iyo tan Koonfureed halkaas oo ay si diirran isugu gacan qaadeen.

Kulankan aan horay loo sii qorshayn ee ka dhacaya soohdinta hubka ka caaggan ayaa imaanaya kaddib markii Mr Trump uu bartiisa twitter-ka ku sheegay in uu halkaas ku marti qaaday Mr Kim.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in “is gacan qaadkaasi” uu “nabad” horseedi doono.

Kulankan la filayo ayaa kor u qaadaya rajada laga qabo in labada dhinac ay heshiis ka gaaraan hubka nuclear-ka.

Madaxweyne Trump ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyey ee kursiga ku fadhiya oo ka taalaba xadka Kuuriyada Koonfureed una talaaba Kuuriyada Waqooyi.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6919 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: