Advertisements
Wararka

Duulimaadkii ugu horeeyey ee Qatar Airways oo ku timid garoonka diyaaradaha Mogadishu…


Diyaaradaha Qatar Airways ayaa maanta duulimaadkeedii ugu horeeyay muddo sanado ah ku timd garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Munaasabad lagu daahfurayay duulimaadka tooska ah ee Shirkadda Qatar Airways ka bilowday Muqdisho ayaa lagu qabtay Garoonka Aadan-Cadde, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibada Somalia, Xubno kale oo ka tirsan Dowladda, danjiraha dowlada Qatar u fadhiya Somalia iyo mas’uuliyiin kale.

Shirkadda Diyaaradaha Qatar Airways ayaa duulimaadkeeda maanta waxaa saarnaa rakaab isugu jira Soomaali iyo ajaanib waxayna sidoo kale ka qaaday rakaab garoonka diyaaradaha Aden Adde.

Qatar Airways ayaa toddobaad walba saddex jeer iman doonta magaalada Muqdisho iyadoo duulimaadkeeduna uu noqon doono Muqdisho-Doha iyo Doha-Muqdisho.

Qatar Airways oo kamid ah shirkadaha caalamka ugu wanaagsan ayaa ka mid noqoneysa shirkado kale oo duulimaadyo ku yimaada caasimada dalka Soomaaliya iyadoo hore shirkadaha Ethiopian Airlines, Turkish Airlines iyo Air Djbouti ay hore uga howlgali jireen dalka Somalia.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6919 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: