Advertisements
Wararka

M/weynaha maamulka Somaliland oo gaaray magaalada Conakry ee dalka Guinea…


Madaxweynaha Maamulka Somaliland iyo wefdigii uu hoggaaminayey ayaa gaaray magaalada Conakry oo ah caasimadda dalka Jamhuuriyadda Gini (Guinea) ee galbeedka Qaaradda Afrika oo ay marti-qaad rasmi ah ka heleen.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland iyo wefdiga uu hoggaaminayo, ayaa si meeqaamkeedu sarreeyo loogu soo dhaweeyey gegida caalamiga ah ee Conakry International Airport waxaana halkaas ku qaabilay Wasiirka arrimaha dibadda dalka Gini, Mudane Mamadi Toure, waxana madaxweynaha iyo wefdigiisu lagaga qaaday dayaarad khaas ah oo nooca qummaatiga u kaca ah ee (helicopter) loo yaqaanno, taasoo si toos ah madaxweynaha iyo xubnaha wefdiga ah u geysay qasriga Madaxtooyada waddanka Jamhuuriyadda Gini.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland iyo xubnaha wefdiga ah ee safarkiisa ku wehelinayay, ayaa xarunta qasriga madaxtooyada dalka Jamhuuriyadda Gini lagaga gelbiyey baabuurta loogu talo galay madaxda hab maamuuskoodu sarreeyo, waxana la geeyey Hotelka Kaloum ee bartamaha caasimadda dalka Jamhuuriyadda Gini ee Conakry. Iyadoo berrina si toos loo gudo geli doono ujeedka safarka iyo kulamadii muhiimka ahaa ee uu la yeelanayey madaxda dalkaas.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6919 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: