Advertisements
Wararka

Xulka Qaranka kubada cagta ee Haweenka USA ayaa u soo baxay finalka koobka adduunka…


Ciyaartii semi finalka ee koobka adduunka ee kubada cagta ee Haweenka oo xalay isku arkay xulalka Qaramada England vs USA.

Waxay aheyd ciyaar aad loo sugayey oo xiiso badneyd, labada kooxood waxay ka mid ahaayeen kooxaha loo saadaalinayey in ay koobka adduunka qaadaan.

Kooxda USA ayaa u soo baxda finalka koobka adduunka ee kubada cagta Haweenka kadib markii ay uga badisay kooxda England 2-1. USA waxay la ciyaari doontaa finalka labada kooxood ee maanta ciyaari doona Netherlands iyo Sweden midii soo baxda.

Kooxda England ayaa heshay gool ku laad daqiiqadihii ugu dambeeyey ciyaarta iyagoo ku guuleysan waayey in ay goolkaasi dhaliyaan.

Ciyaarta kama dambeysta ee finalka ayaa dhici doonta maalinta Axada oo ku beegan 7da July.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6942 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: