Wararka

Al-Shabaab oo meel fagaare ah ku toogtay shan nin oo lagu eedeeyey Jaajuusnimo deegaanka…


Ururka Al-Shabaab ayaa meel fagaare ah ku toogtay deegaanka Xagar ee gobolka Jubbada Hoose shan nin oo lagu eedeeyay inay la shaqeeynayeen Dowladda Federaalka iyo Dowladaha taageera.

Goobta Al-Shabaab ay ku toogteen 5-ta ruux ayaa waxaa ku sugnaa Boqolaal ka mid ah Shacabka deegaanka Xagar ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo Al-Shabaab ay ku amreen inay fagaarahaas tagaan si toogashada ay u daawadaan.

5-ta Ruux oo ay Al-Shabaab toogashada ku fuliyeen ayaa waxaa ay magacyadooda ku kala sheegeen.

1: Cusmaan Cabdulle Cabdullaahi ( Buulle), iyaga oo ku eedeeyay in uu la shaqeynayay Ciidamada Bangaraafta oo ka mid ah Ciidamada xooga dalka ee uu tababaray Mareykanka.

2: Cabdikariim Muumin Axmed oo lagu eedeeyay in uu u Shaqeynayay Hay’adaha sirdoonka Soomaaliya gaar ahaan kuwa loo yaqaano PS.

3: Xasan Barre Isxaaq (Jiiroow Barroow) ayaa Al-Shabaab waxaa ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay Dowladda Kenya oo Ciidamo ku howlgalla Magaca AMISOM ee xilligaan ka joogaan Gudaha dalka Soomaaliya.

4: Cumar Xasan Axmed (Cumar Cuuke) ayaa lagu eedeeyay in uu l Shaqeynayay Hay’daha Sirdoonka Mareykanka gaar ahaan CIA-da.

5: Axmed Cabdullaahi Warsame oo ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay Hay’daha Sirdoonka Mareykanka gaar ahaan CIA-da.

Si kastaba Al-Shababa ayaa inta badan deegaanada ay maamulaan waxaa xukuno dil ah ku fuliyaan dad ay ku eedeeyaan inay la Shaqeeyaan Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha ka socda Dowladaha taageeraa Dowladda Soomaaliya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7969 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: