Advertisements
Wararka

Dooni ay la socdeen Muhaajiriin oo ka shiraacatay Tunisia oo laga cabsi qabo in dad badan…


Ugu yaraan 86 ruux oo muhaajiriin ah oo saarnaa dooni ka shiraacatay dalka Tunisia ayaa laga cabsi qabaa in ay ku dhinteen xeebaha Dalkaasi.

Qaar ka mid dadkii ka badbaaday mashaqadaan ayaa ayaa u sheegay saraakiisha ciidanka xeebaha in doonidan ay ka shiraacatay magaalada Zarzis.

Khabarkaan ayaa waxaa sidoo kale wakaalada wararka ee Reuters u xaqiijiyay sargaal ka tirsan hey’ada laanqeyrta cas ee dalka Tunisia oo lagu magacaabo Mongi Slim.

Madaxa hey’ada socdaalka aduunka ee dalka Tunisia Lorena Lando ayaa sheegtay in koox kaluumeysato ay dul tageen doonta kadibna ay u suura gashay in ay soo samata bixiyaan afar ruux saarnaa doonta Degtay.

Sideetan iyo laba qof oo saarnaa doonta ayaa wali la la’yahay raqdooda iyo Ruuxdooda.

Mashaqadaan ayaa ku soo aadeysa maalin uun kadib markii 44 ruux lagu dilay duqeyn lagu weeraray xarun qaxooti oo ku taal magaalada caasimada ah ee Tripoli ee dalka Liibiya.

Afarta nin ee ka badbaaday doonida ku degtay xeebaha Tunisia ayaa sadex ka mid ah waxay u dhasheen wadanka Mali halka mid kalena uu yahay muwaadin u dhashay Ivory Coast inkastoo markii danbe uu isbitaalka ku Geeriyooday.

Liibiya oo aheyd markii hore marinka ugu weyn oo muhaajiriinta u maraan socdaalka halista ah ee qaarada Yurub ayaa hada noqotay goob dagaal oo lagu beegsado soo Galootiga.

Bishii Janaayo ee sanadkaan ilaa iyo hada ayaa 555 ruux oo muhaajiriin ah waxay ku dhinteen bada Mediterranean-ka sida ay sheegtay hey’ada socdaalka Aduunka.

Sanadkii hore ayey aheyd markii 924 ay ku dhintan badweynta xiriirisa talyaaniga iyo Waqooyiga Afrika waxaana tiradaan ay tahay tii ugu badneyd marka loo eego sanadkii 2016-kii oo ay ku dhinteen 2,911.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6919 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: