Advertisements
Wararka

Rag lagu helay inay gacan ka geysteen weerarkii Jaamacada Gaarisa oo xabsiyo dheer…


Maxkamad ku taala magaalada Nairobi ayaa saddex nin oo ay ku heshay inay gacan ka geysteen weerarkii lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa ku xukuntay xabsiyo dhaadheer.

Saddexda qof ee ay maxkamadda xukunka ku ridday laba ka mid ah waxay maxkamaddu ku xukuntay min 41 sano halka hal qofna ay ku xukuntay xabsi daa’in.

Maxkamadd ayaa sheegtay iney seddexdaasi xubno yihiin dambiilayaal oo ay ka dambeeyeen weerarki Jaamacadda gaarisa loo geystay oo ay ku nafwaayeen 150 qof oo isugu jiray 144 arday ah, 4 ciidamada ammaanka iyo 2 ka mid ah shaqaalaha jaamacadda.

2-dii bishii April 2015, afar nin oo hubaysan ayaa weerar ku qaaday Jaamacadda Garissa, iyaga oo si aan kala sooc lahayn dadka u tooganayaay.

Ragga weerarka geystay ayaa si gaar ah u bartilmaameedsanayay dadka Masiixiyiinta ka dib markii ay gudaha dhismahaa u soo galeen. Ugu dambayntii, waxaa halkaasi lagu dilay 148 qof oo intooda badan ay ardey ahaayeen.

Ciidamada ammaanka ayaa isku gadaamay Jaamacada islamarkana ugu dambeyntii dilay raggii weerarka soo qaaday.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6919 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: