Wararka

Shir ku saabsan ka hortagga iyo la dagaallanka argagixisada oo ka furmi doona Nairobi…


Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa lagu wadaa in uu Todobaadka soo socdo gaaro Magaalada Nairobi, isagoo halkaasi kaga qeyb geli doono shir ku saabsan ka hor tagga iyo la dagaallanka Argagixisada.

Antonio Guterres, ayaa 10-ka Bishan July, ka furi doono Magaalada Nairobi kulan heer sare ah oo ay Waddamada Gobolka ka yeelan doonaan Arrimaha argagixisada, iyadoo la filayo in uu halkaasi kula kulmo hoggaamiyeyaasha Mandiqadda iyo madax kale.

Mr Guterres ayaa sidoo kale la filayaa in uu ka qeyb qaato kulan ay Dhallinyarada Gobolka kaga hadli doonaan ka hortagga afkaarta xag-jirnimada iyo Gacan ka hadalka, sida uu sheegay afhayeenka xoghayaha guud.

Soomaaliya ayaa ka mid ah Waddamada lagu wado in ay shirkaasi ka qeyb gasho, maaddaama ay Dalku ka jiraan kooxo Argagixiso ah, oo ay Dowladda Federaalka oo kaashanaysa Beesha Caalamka iyo QM dagaallo kula jirto.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7969 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: